Baladweyne (Radio Beerlula)-Madaxii Kenya ee la socodka tayada cuntada iyo 26 sarkaal oo kale ayaa shaqada laga joojiyey kadib markii in ka badan 1,000 tan oo sokor dhacday ah suuqa lagusii daayey.
Bayaan uu soo saaray madaxa adeegga bulshada, Felix Koskei ayaa sheegay in 20,000 oo loorar sokor ah oo dalka lasoo geliyey 2018 kii kuwaas oo waaxda la socodka tayadu diidday in la iibiyo, “si aan rasmi ahayn loo weeciyey isla markaana suuqa lagusii daayey”.
Sokorta ayaa magaca la baddelay iyada oo lagu qoray magacyo ay dadku yaqaanaan sida shirkadda Mumias, waxaana xaafadda isllii dukaamo ku yaalla laga helay in k abadan 1,400 oo loor.