Gobol kamid ah Hindiya oo ay muslimiin ku nool yihiin oo maamnuucaya guuurka hablaha badan.

0
109

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xukuumadda gobolka Assam ayaa samaysay guddi khubaro ah oo afar xubnood ka kooban oo uu madax u yahay garsoore hawlgab ah si ay gobolka uga mamnuucaan guurka badan.

Guddigan khubarada ah ayaa daraasad ku sameyn doona in sharci-dejinta gobolka uu awood u leeyahay inuu mamnuuco guurka hablaha badan iyo in kale.

Sida laga soo xigtay xukuumadda Assam, guddigani wuxuu lixdii biloodba mar soo gudbin doonaan warbixin arrintan la xiriirta.

Muslimiinta asal ahaan ka soo jeeda Bengali ee dega gobolka Assam ayaa walaac ka muujiyay guddigan.