Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macalin Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka daah furay kulan looga hadlayo hawlgalinta Hannaanka Caddaaladda iyo Asluubta Soomaaliyeed oo horey ay uso ansixiyen Golaha Wadatashiga Qaran xilliyo kala duwan.
Kulanka oo socon doona 21-ka ila 24-ka bishan May ayaa lagu lagu gorfeyn doonaa sida ugu habboon ee loo fulin karo hannaankan, waxana ka qeyb galaya khuburo ku xeel dheer arrimaha la xiriirka cadaaladda, xubno ka socda dowlad goboleedyada iyo wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey.