Sharciga Cusub Ee Liverpool Ka Caawinaya Inay Kasoo Qayb-gasho Tartanka Champions League Inkasta Oo Ay Kaalinta 5aad Kaga Jirto Premier League

0
235

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la siiyey qirsh iyo niyad-dhis fiican kaddib markii xalay ay soo afjarantay rajadoodii ahayd inay kasoo qayb-galaan tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, waxaanay rajadoodu ku xidhnayd Manchester United oo laga badiyo kulankii Chelsea iyo midka usbuuca dambe, taas oo Red Devils ay guul ka keentay.

Liverpool ayaa ka maqnaan doonta tartanka Champions League ee xilli ciyaareedak dambe, waana markoodii ugu horreysay ee ay seegayan tartankan tan iyo xilli ciyaareedkii 2016-17.

Jurgen Klopp waxa uu qirtay in ay kaliya isku diyaarin doonaan tartanka Europa League oo ay ka qayb-geli doonaan, sidoo kalena ay halgan u geli doonaan tartamada maxalliga ah sida Premier League, FA Cup iyo Carabao Cup.

Si kastaba, kooxda kaalinta shanaad kaga dhamaysata horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa waxay si toos ah uga soo qayb-geli kartaa tartanka Champions League, sida uu qorsheeyey xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ee maamula tartankan.

Waxa la kordhin doonaa tirada kooxaha ka qayb-gelaya Champions League oo hadda ah 32, waxaana laga dhigayaa 36 naadi iyadoo sidoo kalena ku dhowaad 50% la kordhinayo kulamada ay kooxuhu ciyaaraan.

Sharcigan oo ay UEFA ansixinayso, waxa uu sare u qaadayaa dhaqaalaha ay kooxuhu helaan iyada oo sidoo kalena la beddeli doono qaabka hadda loo ciyaaro tartankan.

Si kastaba ha ahaatee, Liverpool way kasoo qayb-geli lahayd tartanka Champions League haddii sannad lasoo qaddimi lahaa amaba ay booskan u dhici lahaayeen xilli-ciyaareedka dambe, hase yeeshee hadda suurtogal uma aha, isbeddelkuna sannad kaddib ayuu dhaqan-gelayaa.