Madaxweynaha Soomaaliya oo daah furay kalfadhiga saddexaad ee baarlamanka Soomaaliya

0
103

Baladweyne (Radio Beerlula)- Guddoonka labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya, ra’iisal wasaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo wakiilo ka socda dalka Jabuuti ayaa goob joog ka ahaa furitaanka kalfadhiga saddexaad ee labada gole ee baarlamanka Soomaaliya oo maanta magaalada Muqdisho uu ka daah furay madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo khubad ka horjeediyay labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya ayaa si gaar ah carabka ugu adkeeyay arrimaha la xirira dhameystirka dastuurka, iyo in baarlamanka looga fadhiyo inay salka u dhigan qodobadii ka soo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.