Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Aragti-wadaagga Xakameynta Faafinta Wararka Been abuurka ah iyo Saameynta Taban ee ay Bulshada ku Leeyihiin.
Shirkan oo socon doona muddo Labo maalmood ah, ayaa waxaa si weyn loogu falanqeyn doonaa Saamaynta wararka been-abuurka ay ku yeelan karaan nabadda, xasilloonida, sumcadda dalka, dhaqanka wanaagsan iyo sida loo xakameyn karo.
Warbixintaan waxa soojeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.