Sacuudiga oo mar kale dhimaya xadiga Shidaalka uu maalintii saaro.

0
128

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wadamada saliida soo saara ayaa ku heshiiyey inay sii wadaan dhimista wax soo saarka si ay kor ugu qaadaan qiimaha caalamka.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay dhimi doonto hal milyan oo fuusto maalintii (bpd) bisha Luulyo waxayna Opec+ sheegtay in bartilmaameedyadu hoos u dhici doonaan 1.4 milyan bpd dheeraad ah laga bilaabo 2024.

Opec+ ayaa ku dhawaad 40% ka ah saliida ceyriinka ah ee aduunka go’aamadeeduna waxay saameyn weyn ku yeelan karaan qiimaha shidaalka ee caalamka.