Dibad baxyo looga soo horjeedo canshuur kordhinta oo gil gilay Nairobi.

0
179

Baladweyne (Radio Beerlula)- Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si ay u kala eryaan dad Kenyan ah oo mudaaharaad ka dhigayay caasimadda oo ka soo horjeeday qaar ka mid ah tallaabooyinka ay dowladdu soo jeedisay ee ah in canshuur cusub ama ka badan in lagu soo rogo waxyaabo uu ku jiro shidaalka.

Mid ka mid ah tillaabooyinka muhiimka ah ee lagu muransan yahay ee sharciga maaliyadda aan la jeclayn waa 3% oo ah cashuurta sanduuqa guryaha ee dhammaan shaqaalaha mushaharka qaata iyo in la kordhiyo cashuurta qiimaha lagu daray shidaalka ilaa 16%.

Sharcigu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa canshuuraha alaabaha la isku qurxiyo, iyo dakhliga soo galaa dad wax ku baahiya baraha bulshada ay ku kulanto. Waxay ka mid yihiin talaabooyinka ay Kenyaan badan ka soo horjeesteen.

Daraasiin mudaaharaadayaal ah ayaa doonayay in ay isugu soo baxaan fagaare yaal ku yaala bartamaha Nairobi ka hor inta aysan u gudbin baarlamaanka si ay uga codsadaan mudanayaasha in ay diidaan soo jeedinta canshuurta.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in qaar ka mid ah dibadbaxayaasha la xiray.