Shir looga hadlayo siyaasadda dhaqaalaha dalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

0
107

Baladweyne (Radio Beerlula)- Bankiga dhexe Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ee xaruunta gobalka Banaadir ka daah furay Shir-Cilmiyeedka Siyaasadda Dhaqaalaha dalka , shirkaan oo ah mid sanadla ah oo ay markii ugu horeeysay uu qabto bankiga dhexe ee soomaaliya si uu soo celiyo doorkii uuu ku lahaa kobaca dhaqaalaha iyo cilmi-baarisyada ka turjumaya baahiyaha kajira dalka.

Daahfurka shirka ayaa waxa goobjoog ahaa madaxda Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Wasiiro ka socday xafiiska Ra,iisul wasaaraha, Xildhibaano iyo madaxda Bankiyada gaar loo leeyahay.

Warbixintan waxaa noo haya Bilaal Daahir Waaneey.