Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo la furtay kooxda Paris Saint-Germain iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga reer Brazil ee Neymar sida ay sheegayaan wararku.
Neymar ayaa si aad ah loola xiriirinayaa inuu ka tagayo kooxda heysata horyaalka France inta lagu jiro suuqa xagaagan.
31 jirkaan ayaa u dhaliyay 118 gool 173 kulan oo uu u saftay kooxda PSG wuxuuna ka caawiyay kooxda in ay ku guulaysato shan koob oo Ligue 1 ah.
Neymar ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxaha Man United iyo Newcastle kuwaas oo xiiso u muujiyay xiddiga reer Brazil.
Laakiin sida ay sheegayaan warar cusub oo ka soo baxaya France, Chelsea ayaa sidoo kale haatan si rasmi ah wadahadalo ula furtay PSG si ay u helaan saxiixa xiddiga.
PSG ayaa la aaminsanyahay in ay u furantahay in ay iska iibiso xiddiga Neymar iyaga oo doonaya in ay iska diraan xiddigaha mushaharka badan qaata.