Madaxweynaha Jubbaland oo xariga ka jaray lix wado oo laami ah kuwaa oo laga hirgiliyay Kismaayo

0
105

Baladweyne (Radio Beerlula)- Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa xariga ka jaray wajiga koowaad ee Lix waddo oo laami ah oo laga hirgaliyay Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa socod ku soo maray qaar kamid ah wadooyinka isagoo Sidoo kale madasha xarig jarka ka sheegay in Wajiga hore ee shaqadan oo hada gabo gabo ah ay ku xigto bilowga Wajiga labaad oo 14 km oo dheeri ah uu maamulkiisa ku dari doonto.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.