Dhismaha Masjid cusub oo laga dhagax dhigay degmada kaaraan ee gobolka Banaadir

0
111

Baladweyne (Radio Beerlula)-Shiikh Cismaan Xidig oo kamid ah culimada soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa degmada kaaraan ee gobolka Banaadir ka dhagax dhigay dhismaha masjid cusub oo loogu tala galay in lagu cibaadeeysto lagana aqriyo kutubada cilmiga ah.

Masjidkan ayaa muhiim u ah bulshada ku nool degmada Kaaraan gaar ahaan dadka degan xaafadda Buur-bishaaro.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim