Shirka golaha wasiirrada oo lagu ansixiyay Jiheynta hannaanka doorashooyinka dalka, iyo dib-u-eegista ku talagalka miisaaniyadda dowladda ee 2023-ka.

0
97

Baladweyne (Radio Beerlula)-Golaha wasiirada XFS oo maanta magaalada Muqdisho shirk u yeeshay ayaa ansixiyay Jiheynta Hannaanka Doorashooyinka dalka, dib-u-eegista ku talagalka Miisaaniyadda Dowladda 2023, magacaabista Maamulka Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha iyo magacaabista maamulka Hey’adda Qaxoootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

Golaha wasiirada XFS ayaa sidoo kale ansixiyay hishiisyo muhiim u ah shacabka soomaaliyeed oo la xiriira ganacsiga sida ku biiridda aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Africa iyo ku biirista suuqa iskaashiga ganacsiga ee bariga iyo waliba Koonfurta Afrika.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim (Nadaara)