Mamulka gobolka Banaadir oo dhagaxdhigay dhismaha wado muhiim ah

0
204

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Wadada Taleex ee Degmada Hodan, taasi oo muddooyinkii ugu danbeeyay ay dhibaato dhanka isku socodka ah ku qabeen bulshada caasimadda.

Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Hodan, Odayaasha Deegaanka iyo Bulshada Qeybahooda kala duwan.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.