Tababar ku saabsan Warbaahinta iyo fagaaro ka hadalka oo lagu qabtay Xudur

0
101

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababarkaan oo loo qabtay qaar ka mid ah gabdhaha ku nool magaalada Xudur ayaa wuxuu ku saabsanaa fagaaro ka hadalka, taasi oo fursad u heli doonaan in ay kahadlaan goobaha bulshada ay iskugu imadaan.

Furitaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay maamulka degmada Xudur, isku duwaha haweenka, gudoomiyaha ururka haweenka degmada iyo masuuliyiin ka socotay ururka haweenka suxufiinta soomaaliyeed ee Somwa oo tababarka ka fulisay degmada Xudur.

Warbixintaan waxa soojeedineeysa Xaawo Aadan Xuseen.