Man City Oo Sii Xoojineysa Kooxdeeda – Labo Khadka Dhexe Iyo Daafac Weyn Ayay Soo Wadaan

0
131

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Manchester City ayaa durba raadineysa inay sii xoojiso kooxdeeda sida ay qortay jariirada The Telegraph, waxayna doonayaan labo xiddig oo khadka dhexe ah iyo daafac.

Wargeyska ayaa sheegaya in madaama ay City ka heshay 180 milyan ginni hanashada horyaalka Premier League, 110 milyan ginni oo ay ka heleen koobka Champions League iyo 4 milyan ginni oo ay ka heleen hanashadooda FA Cup, tababare Guardiola wuxuu heystaan lacag culus uu ku geli doono suuqa kala iibsiga xagaagan.

Laakiin dhaqdhaqaaqa suuqa kala iibsiga ee Man City waxay si xoogan ugu tiirsanaan doontaa xididgaha baxaya sida Ilkay Gundogan, Bernando Silva, Aymeric Laporte iyo Joao Cancelo.

City ayaa wadahadalo kula jirta Chelsea iyagoo doonaya xiddiga khadka dhexe ee Croatia Mateo Kovacic, waxay sidoo kale xiiseynayaan saaxiibkiisa ay isku wadanka yihiin Josko Gvardiol oo ah daafac dhexe oo u dheela kooxda RB Leipzig

Daafaca ayaa la filayaa inuu bedel u noqdo Laporte oo la filayo inuu baxo si uu u raadsado kubad joogta ah.

Sidoo kale waxay City dooneysaa xiddiga tayada leh ee khadka dhexe ee Celta Vigo iyo Spain Gabriel Veiga ka dib markii ay ku guuldareysteen saxiixa Jude Bellingham oo ka doortay Real Madrid.

Qorshaha Manchester City ayaa ah inay xilli ciyaareedka danbe isku qaadaan afar koob taasoo aan weli ka dhicin kubada cagta Ingariiska.