Shaxda Xilli Ciyaareedka Champions League Oo La Shaaciyay & Xiddigo Mudnaa Oo Booskooda Waayay

0
170

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Taageerayaasha kubada cagta ayaa ka xumaaday shaxda xilli ciyaareedka Champions League ee ay UEFA soo saartay iyagoo ku dooday inay ka maqan yihiin xiddigo dhowr ah oo wacdarro dhigay xilli ciyaareedkan.

Manchester City ayaa koobka ku guuleysatay markoodii ugu horeysay taariikhda ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen Inter Milan ciyaartii finalka ee ka dhacday Istanbul.

Ciyaarta ka dib, sida caadada aheyd UEFA waxay shaacisay shaxda xilli ciyaareedka oo ay soo xushaan guddi farsamo.

Shaxda oo u sameysay 4-3-3 waxaa hogaaminaya weeraryahanka Manchester City Erling Haaland kaasoo 12 gool ku qaaday kabta dahabka.

Waxa uu ka mid yhaya todoba ciyaaryahan oo Man City ah oo ka soo muuqday shaxda xilli ciyaareedka sida Rodri, John Stones, Bernando Silva, Kyle Walker, Ruben Dias iyo Kevin de Bruyne.

Kooxda finalka gaartay ee Inter Milan waxay shaxda ku leedahay labada daafac ee Alessandro Bastoni iyo Federico Dimarco.

Waxaana shaxda dhameystiraya labada xiddig ee Real Madrid Vinicius Jr iyo Thibaut Courtois taasoo ka dhigeysa in shaxda xilli ciyaareedka Champions League ay kala qeybsadeen kaliya seddex kooxood.

Taageerayaasha ayaase si xoogan uga soo horjeestay xulashada UEFA iyagoo ku dooday in Andre Onana uu ku haboonaa booska goolhayaha ee la siiyay Thibaut Courtois.

Qaar waxay u dodeen laacibka Man City Ilkay Gundogan, xiddiga Inter Nicolo Barella iyo laacibka AC Milan Rafael Leao.