Haweeney kufsatay wiil siddeed jir ah oo lagu xukumay 29 sano oo xabsi ah.

0
101

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maxkamadda degmada Iringa ee dalka Tanzania ayaa 29 sano oo xarig ah ku xukuntay haweeney ka soo jeeda tuulada Lumuli, kaddib markii ay kufsatay wiil 8 jir ah isla markaana ay qaadsiisay cudurrada galmada lagu kala qaado.

Sida laga soo xigtay wargeyska Mwananchi  haweeneydan ayaa wiilkan yar ku kufsatay geed hoostiis.

Guddoomiyaha maxkamadda sare, Said Mkasiwa ayaa goobta ka akhriyay magacyada shan markhaatiyaal ah oo uu ku jiro dhakhtar baaray ilmahan oo xaqiijiyey in ilmaha yar uu nabarro ka soo gaaray kufsiga, isla markaana uu ku dhacay xanuunnada galmada lagu kala qaado.

Maxkamaddu waxay siisay fursad ay isku difaacdo, Desderia  iyadoo sheegtay in ay tahay qof weyn oo ay leedahay carruur iyo kuwo ay ayeeyo u tahay oo iyada ku tiirsan, ka dibna maxkamaddu waxay ku xukuntay 29 sano oo xarig ah oo ku saabsan dambiga xadgudubka galmada ee ka dhanka ah 8-sano jirkan ilmaha ah iyo sidoo kale xanuunka ay qaadsiisay.

Si kastaba ha ahaatee, qareenkeeda, Frank Mwela ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu racfaan ka qaato sababtoo ah lama baarin si loo go’aamiyo in ay dhab ahaantii qabto cudurradan galmada lagu kala qaado.