Haaland Oo Ku Guuleystay Abaalmarin Cusub

0
146

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Weeraryahanka Manchester City Erling Braut Haaland ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican Yurub ee Abaalmarinta qorayaasha kubada cagta.

22 jirkan ayaa dhaliyay 52 gool 53 kulan oo uu tartamada oo dhan u saftay Citizens xilli ciyaareedkan isaga oo ka caawiyay in ay ku guulaysteen saddexleyda Premier League, FA Cup iyo Champions League.

Man City ayaa ah kooxdii labaad ee Ingiriis ah ee abid ku guulaysata saddex koob, iyadoo Haaland uu noqday xiddigii ugu fiicnaa abid.

36 ka gool ee uu ka dhaliyay Premier league ayaa ka yimid 35 kulan waxana uu kuu guulaysatay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican xilli ciyaareedka.

sidoo kale Haaland ayaa haatan ku guulaysatay abaalmarinta xiddiga ugu fiican qaarqda Yurub tartanka champions league oo uu ku guuleystay xilli ciyaareedkan.