Ii Keena!! Arteta Oo DEG-DEG U Doonaya Saxeexa Ciyaaryahan Chelsea Ah Oo Arsenal Hawshiisa Bilawday

0
113

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa markale suuqa u galaya si uu ciyaaryahan uga soo qaato kooxda ay London ku xifaaltamaan ee Chelsea.

Haddiiba uu January heshiis 12 Milyan oo pound ah kaga keensaday Jorginho, Mikel ayaa hadda doonaya saxeexa xiddiga German-ka ah ee Kai Havertz.

Arsenal ayaa marka hore bartilmaameedkeeda koowaad yahay kabtanka West Ham United ee Declan Rice oo ay doonayso inay hore u dhammayso saxeexiisa balse intaas kaddib ayaysan nasan doonin.

Mail Sports ayaa sheegaya in kaddib Rice Arsenal doonayso Havertz. Kai ayaa xilli ciyaareedkii hore No.9 uga dheelayay Chelsea, mulkiilaha kooxda ee Todd Boehly ayaan doonayn inuu qiimo jaban ku iibiyo.

Warbixintooda ayaa sidoo kale sheegaysa in Arsenal diyaar u tahay inay 60 Milyan oo pound siiso Blues isla markaana heshiiska shaqsiga ah ee ciyaaryahanku mushahar ahaan 200,000 oo pound toddobaadkii ka badnaan doono.

Dhinaciisa saxafi Fabrizio Romano oo xog ka qoray wararkan ayaa sheegay in Gunners jawaab wanaagsan ka heleen ciyaaryahanka markii ay la xidhiidheen.

Romano ayaa sheegaya in Chelsea ilaa 75 Milyan oo pound ku doonayso iibka 24 sano jirkaas laakiin Arsenal aysan lacagtaas bixin doonin.