Poland oo xayirtay Ilaalada Madaxweynaha Koonfur Afrika

0
93

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Koox ilaalo u ah madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa ku xayiran diyaarad ku sii jeedda dalka Poland muddo saacado ah.

Waxa lasoo weriyay in mas’uuliyiintu ay diideen in iyaga iyo saxafiyiinta la socday u ogolaadaan in ay ka soo degaan diyaaradda si ay usii wataan safarkooda Ukraine halkaas oo Cyril Ramaphosa uu hogaaminayo howlgalka nabadda ee madaxda Afrika.

Madaxa ilaalada ammaanka ee Ramaphosa, Maj Gen Wally Rhoode ayaa sheegay in dowladda Poland ay xagaldaacineyso ammaanka madaxweynaha.

” Dib ayeey noo dhigeen, waxayna halis geliyeen nolosha madaxweynaheena,” ayuu u sheegay weriyaasha.

“Maxaa yeelay hadda waxaan joogi lahayn Kyiv, tanina waa waxa ay guud ahaan sameynayaan. Waa in aad aragtaan sida ay cunsuriyiin u yihiin.” ayuu intaasi ku daray.

Masuuliyiinta Poland ayaan ka hadlin  xayiradan lagu sameeyay ilaalada madaxweynaha Koonfur Afrika.