Gabadhii Ugu Horreysay ee Muslim ah oo Loo Magacaabay Garsoore Heer Federaal ah dalka Mareykanka

0
153

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Golaha Senate-ka ee Maraykanka ayaa cod aad u yar ku ansixiyey garsoorihii ugu horreeyey ee Muslin ah ee xubin ka noqda maxkamadaha heer federaal ee dawladda Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xilkan u magcaabay Nusrat Choudhury oo ka soo jeeda dalka Bangladesh.

Nuarat ayaa horay xilal sare uga soo qabatay isbahaysiga u dooda xorriyadda madaniga ah ee Maraykanka ee fadhigiisu yahay gobolka Illinois. Iyada oo wakhti dheer caan ku ahayd inay u dhaqdhaqaado sinnaanta dadka kala jinsiyadaha ah, caddaaladda iyo amniga bulshada.

Golaha Senateka ayaa ku ansixiyey 50 cod oo ka mida 100 mudane ee golaha, halka ay diideen 49 mudane.

Nusrat ayaa fadhiisan doonta Maxkamad Degmo oo Federaal ah oo ku taalla New York.