Ciidanka XDS oo deeq dawo ah gaarsiiyay isbitaalka degmada Ceeldheer ee Galgaduud

0
131

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada ceeldheer ee gobolka galgaduud ayaa deeq daawo ah iyo Agab Caafimaad ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ceeldheer & Odayaasha dhaqanka ee degmadaasi.

Deeqdaan dawada ah oo ay bixiyeen ciidanka xooga dalka gaar ahaan kuwa kumaan dooska gor gor ayaa loogu talagalay in wax loogu qabto baahiyaha caafimaad ee ay qabaan dadka shacabka ah ee degmada ceeldheer sida uu sheegay taliyaha guutada 17aad ee gor gor gaashaanle saahid jaamac faarax oo ku wareejiyay deeqda dawada ah maamulka iyo wax garadka ceeldheer.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Aadan Cabdi Axmed.