Degmada Caabudwaaq oo kamid degmooyiinka maamulka Galmudug oo ku guuleeystay Tartanka kubada Cagta ee maamulkaas.

0
114

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ciyaartooyda Degmada Caabudwaaq ayaa ku guuleeystay tartankan kubada cagta Degmooyinka Galmudug kadib markii gool ku laad ayaa uga badiyeen Degmada Dhuusamareeb.

Qeybta hore ee kulanka ayaa kusoo dhamaaday 1-0 oo ay ku hogaamisay Degmada Caabudwaaq.

Qeybta labaad kooxda Degmada Dhuusamareeb ayaa kusoo gashay dar dar xoogan waxaana ugu danbeyn ciyaarta waqtigii loogu tala galay ku dhamaatay bareejo 2-2 ah.

Labada kooxood ayaa loo baahday in lagu kala bixiyo Rigoorooyin waxaana 3-5 ku qaaday Degmada Caabudwaaq.