Maalinta caalamiga ah ee Qaxootiga Adduunka oo maanta dunida laga xusayo.

0
101

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sannad kasta 20-ka Juun, meelo badan oo kamid ah dunidu waxaa laga xusaa maalinta qaxootiga adduunka, oo ah maalin caalami ah oo loogu tala galay in lagu xurmeeyo dadka lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda, magaalooyinkooda iyo dalkooda.

Hay’adda Qaramadda Midoobay ayaa aqoonsatay maalintan calamiga ah markii ugu horeysay sanadkii 2001 bishii June si xooga loo saaro u doodida xuquuqda, horumarinta baahiyaha iyo rumeeynta riyooyinka qaxootiga,

Hey’ada qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa sanadihii lasoo dhaafaay diiradda saartay u ololeeynta wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ee qaxootiga adduunka sida Cunnada, caafimaadka, waxbarashada, in loo abuuro fursado lagu taageerayo qaxootiga iyo dadka ku barakacay gudaha dalalka ay ka jiraan colaadaha iyo dhibaatoyinka dabiiciga ah sida abaaraha iyo fatahaadaha.

Feeysal Cumar Xuseen Xog-haya doowlada hoose ee Baladweyne Ayaa Radio Beerlula uga waramay muhiimadda maalintan iyo xaaladda dadka qaxootiga ah iyo barakacayaasha ah ee ku nool Baladweyne.

Cod

Xasan Xuseen yaxye Gudoomiyaha ururka Tayo Bulsho kal-kaal ayaa Radio Beerlula uga waramay kaalinta ay ka geeystaaan caawinta dadka qaxootiga iyo barakacayaasha ee ku nool Baladweyne

Cod

Faadumo Abshir Dhoore oo kamid ah barakacayaasha Baladweyne isla markaana ku dhiiratay ineey sameeysato fursad ganacsi ayaa Radio Beerlula uga waranay waxyaabaha ay iibisa iyo xaaladeeda nololeed

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.