TOP 10: Tobbanka Da’yar Ee Ku Tartami Doona Abaalmarinta Ee ‘Golden Boy’ Oo La Ogaaday

0
132

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Waxa shaaca laga qaaday magacyada tobbanka da’yar ee u tartami doona abaalmarinta da’yarka sanadka ee Golden Boy ee uu bixiyo wargeyska Tuttosport ee Talyaaniga ah.

Guuleystihii ugu dambeeyay ee abaalmarinta ayaa ah da’yarka Barcelona ee Pablo Gavi kaas oo sanadkii tagay 2022 hantiyay.

Qiimaynta ilaa haatan waxa ugu horreeya da’yarka muhiimada weyn u leh Bayern Munich ee Jamas Musiala waxaana soo raaca Bellingham oo dhawaan Real Madrid uga soo wareegay Borussia Dortmund.

Da’yarka difaacanaya abaalmarintan ee Gavi iyadoo ay shanta sarre lasoo dhammaystireen Antonio Silva daafaca dhexe ee Benfica iyo Alejandro Balde daafaca bidix ee Barcelona.