DEG-DEG: Arsenal Oo Dhamaystirtay Saxeexii Weynaa Ee Ay Qarka U Saarnayd

0
112

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa gacanta ku dhigtay oo la saxeexatay xiddiga reer Germany ee Kai Havertz, kaddib markii ay Chelsea kala heshiisay iibka laacibkan.

Chelsea ayaa ogolaatay dalabkii labaad ee ay Arsenal ka gudbisay xiddiga reer Germany oo qiimihiisa ay sare u qaadday, iyadoo Blues ay hore u diidday dalabkii koowaad ee Gunners oo uu qiimihiisu ka hooseeyey intii ay dalbanaysay.

Arsenal oo laba usbuuc ka hor heshiiska shaqsiga ah lasii gaadhay Kai Havertz ayaa waxa uu hadda noqonayaa ciyaartoy Arsenal ah, waxaanay Gunners ka bixinaysaa £65 milyan oo Gini oo ka dhigaya ciyaartoygii labaad ee ugu qaalisanaa taariikhda, waxaana uu ku xigayaa oo kaliya ka horreeya Nicolas Pepe oo sannadkii 2019 ay £72 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen kooxda reer France ee Lille balse ku fashilmay inuu saldhigo Emirates Stadium.

Kai Havertz ayaa qiime ahaan dhaafi doona ciyaartoyga ku calaamadsadsan saxeexii labaad ee ugu qaalisanaa tariikhda Arsenal, waana Pierre-Emerick Aubameyang oo sannadkii 2018 ay £57.4 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Borussia Dortmund.