CAJIIB: Damaca Saudi Arabia Oo Fogaaday & Xiddiga Weyn Ee Ay Man City Ka Qaadanayaan

0
153

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Waxa suuqa qaarada Yurub sida duufaanta xagaagan kusoo galay horyaalka dalka Saudi-ga iyadoo wakaalada maalgelinta dalkaas ee PIF ay samaynayso dhaq-dhaqaaq xoogan oo Saudi Pro League kor loogu qaadayo.

Xiddigaha waaweyn ee halkaas ka degay gudaha suuqan waxa laga xusi karaa Karim Benzema, N’Golo Kante, Kalidou Koulibaly iyo Hakim Ziyech halka uu Cristiano Ronaldo oo lix bilood sii joogay kasii horreeyay.

Saxeexa ilaa haatan farriinta ah ayaa ah midka 26 sano jirka khadka dhexe ee Ruben Neves oo ay 55 Milyan oo euro kula wareegtay Al Hilal kaas oo da’yaraan kaga tagay guud ahaanba kubadda cagta Yurub.

Warka culus ee ugu dambeeyay ayaa ah in wargeyska Marca ee Spanish-ka ahi sheegayo in xiddiga laf-dhabarta u ah Manchester City ee Bernardo Silva qarka u saaran yahay inuu Saudi Arabia ka dego.

Saxafi Fabrizio Romano ayaa dhinaciisa sheegaya in Silva uusan wali go’aan gaadhin balse uu bartilmaameed weyn u yahay PSG sidoo kalena ay kooxaha Saudi Arabia saxeexiisa riixayaan.

Halyeeyga Liverpool ee Jamie Carragher ayaa degdeg uga falceliyay warka Bernardo Silva isagoo sheegay inuusan waxba ka qabin xiddigaha 30 sano ka weyn iyo kuwa aan tayo badan lahayn ee Saudi-ga ku qulqulaya balse heshiiska Silva haddii uu dhaco wax badan bedelayo.