Dadka reer kenya oo ku farxay cunug ku dhex dhashay tareen kaasoo qabsaday baraha bulshada.

0
133

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Hooyo saarneyd tareen ukala goosha caasimadda Kenya ee Nairobi iyo magaalada xeebta ah ee Mombasa oo cunug ku dhex dhashay gudihisa ayaa qabsatay baraha bulshada.

Dadka reer Kenya ayaa aad ugu farxay warkan ka dib markii shirkadda Tareenada ee Kenya ay sheekadan ku baahisay baraha bulshada.

Shirkadda qaran ee tareenada ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawirro muujinaya mid ka mid ah shaqaalaha oo gacanta ku haya ilmaha yar.

Nasiib wanaag dhakhtar iyo kalkaaliye caafimaad ayaa kamid ahaa dadka tareenka saarnaa waxayna hooyadaasi ka caawiyeen in ay si nabad ah u dhasho.