Xiddigaha Ugu Mushaharka Badan Horyaalka Spain Ee LaLiga Oo La Shaaciyey

0
107

Baladweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan £200,000 Gini ayuu Frenkie de Jong ka sarreeyaa ciyaartoyga kusoo xiga, marka la eego mushaharka toddobaadlaha ah ee horyaalka waddanka Spain ee LaLiga.

Saxeexa cusub ee Real Madrid ee Jude Bellingham ayaa waxa uu Los Blancos mushahar uga qaadanayaa kala-badh mushaharka ay Barcelona siiso Frenkie de Jong oo toddobaadkii u xaadira £619,283 Gini, halka Jude Bellingham usbuucii u xaadirayo £327,000 Gini.

Bellingham waxa uu kaalinta siddeedaad kaga jiraa liiska ciyaartoyda mushaharka badan horyaalka LaLiga, waxaana ka sarreeya Robert Lewandowski, Jan Oblak iyo Vinicius Junior oo isku mushahar ah iyo Luka Modric, David Alaba, Toni Kroos iyo Frenkie de Jong.

Halkan kaga liiska ciyaartoyda ugu mushaharka badan horyaalka LaLiga:

19= Dani Carvajal | Real Madrid | £172,078-toddobaadkii

19= Ferland Mendy | Real Madrid | £172,078-toddobaadkii

17= Saul Niguez | Atletico Madrid | £198,171-toddobaadkii

17= Ousmane Dembele | Barcelona | £198,171-toddobaadkii

14= Antoine Griezmann | Atletico Madrid | £206,428-toddobaadkii

14= Raphinha | Barcelona | £206,428-toddobaadkii

14= Aurélien Tchouaméni | Real Madrid | £206,428-toddobaadkii

13. Jules Kounde | Barcelona | 223,768-toddobaadkii

12. Ansu Fati | Barcelona | £230,373-toddobaadkii

11. Antonio Rudiger | Real Madrid | £240,777-toddobaadkii

10. Thibaut Courtois | Real Madrid | £247,713-toddobaadkii

9. Koke | Atletico Madrid | £264,288-toddobaadkii

8. Jude Bellingham | Real Madrid | £327,000-toddobaadkii

5= Robert Lewandowski | Barcelona | £343,991-toddobaadkii

5= Jan Oblak | Atletico Madrid | £343,991-toddobaadkii

5= Vinicius Jr | Real Madrid | £343,991-toddobaadkii

4. Luka Modric | Real Madrid | £361,311-toddobaadkii

3. David Alaba | Real Madrid | £371,570- toddobaadkii

2. Toni Kroos | Real Madrid | £402,617-toddobaadkii

1. Frenkie De Jong | Barcelona | £619,283-toddobaadki