Mid kamid ah Gabdhaha ka qalin jabiyay jaamacaddaha Baladweyne oo la timid hal abuur ganacsi.

0
159

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Iqro Cabdi Geedi oo muddo laba sano ah ka hor ka qalin jabisay jamaacadda Plasma faraceeda magaalada Baladweyne islamarkana shaqo ku weysay cilmigii ay ka bartay jaamacadda ayaa hadda la timid hal abuur ganacsi oo nolol reerkeeda ku mareyso iyadoo sameysa kareemo iyo Saliid herbel ah.

Hal abuurkan ganacsi ayaa ah mid ku cusub magaalada Baladweyne, waxana inta badan saliida iyo kareemadan ay ka sameysa nuucyo kala duwan oo ka mid ah dhirta.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.