DEG-DEG: Chelsea Oo Shaacinay Inuu Ka Tegay Xiddig Weyn

0
103
Baladweyne ( Radio Beerlula )-War-saxaafadeed ay Chelsea soo saartay ayaa lagu sheegay, in difaaca reer Senegal ee Kalidou Koulibaly uu si rasmi ah ugu wareegay kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Hilal inksta oo bishii November ee sannadkii hore ay £34 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Napoli.

Chelsea ayaa waxay ogolaaday in Koulibaly ay ku iibiso kala-badh lacagtii ay hore ugu soo gadatay, taas oo ka dhigan in Al-Hilal ay u shubayso Blues kaliya £17 milyan oo Gini.

War-saxaafadeedka ay soo saartay Chelsea ayaa lagu yidhi: “Kalidou Koulibaly waxa uu ka tegay Chelsea kaddib markii uu dhamaystiray heshiis uu si rasm ah ugu wareegay kooxda horyaalka Sucuudiga ee Al-Hilal.”

Dhinaca kale, Al-Hilal ayaa muuqaal daawasho ah oo ay baraheeda bulshada ku baahisay kusoo bandhigtay saxeexeeda cusub ee Kalidou Koulibaly, waxaana muuqaalkaas cinwaan looga dhigay: “Waxa aanu sii wadi doonaa in aanu wada-jir u samayno taariikh.”