Kooxda Heshiiska Shaqsiga Ah La Meel Dhigtay Moises Caicedo Oo Banaanka La Keenay

0
122

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda ree London ee Chelsea ayay wararku sheegayaan inay heshiiska shaqsiga ah si buuxda ula gaadhay khadka dhexe ee Brighton ee Moises Caicedo balse haatan u baahan inay qiimihiisa kala heshiiso kooxdiisa.

Saxafi Fabrizio Romano ayaa barnaamijkiisa The Residency shaaca kaga qaaday in qoddobadii ugu dambeeyay ee heshiiska shaqsiga ah ee Caicedo ee Chelsea la xaliyay.

Image

Wargeyska Mail Sport ayaa toddobaadkii hore shaaca ka qaaday in Chelsea kor u qaadayso wadahadalka ay Brighton kula jirto kaddib markii dalabkii koowaad oo 60 Milyan oo pound ah laga soo diiday maadaama Seagulls lacag ka badan 80 Milyan oo pound ku doonayaan.

Heshiiska ay Chelsea ku doonayso da’yarka Ecuadorian-ka ah ayaa imanaysa xilli Chelsea uu ka baxay N’Golo Kante oo Al Ittihad ku biiray, Mateo Kovacic iyo Kai Havertz tijaabada caafimaadka u mareen Man City iyo Arsenal isla markaana Mason Mount kusii jeedo Man United.

Chelsea ayaa doonaysa inay Moises lamaane khadka dhexe ah uga dhigto xiddiga ay rekoodhka Premier League kusoo iibsatay suuqii January ee Enzo Fernandez.

Tababaraha cusub ee Blues ee Mauricio Pochettino ayaan wali shaqo bilaabin balse kooxda la wadaagay aragtidiisa iyo saxeexyada uu doonayo.

Caicedo ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa Man United balse xiisaha kooxda Old Trafford ayaan u muuqan mid u adag sida Chelsea.