Nin waalidiintiisa ka caawiyay in ay is dilaan oo la xiray

0
125

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mid kamid ah jilayaasha ugu caansan riwaayadaha soo jireenka ah ee Japan ayaa loo xiray inuu waalidkiis ku kaalmeeyay in ay isdilaan.

Ennosuke Ichikawa ayaa la helay isaga oo jiifa gurigiisa oo ku yaalla Tookiyo bishii May.
Waalidiintiis ayaa Iyana laga helay iyaga oo miyir la’ oo ku jira qol kale oo guriga ah, mar damabana waxaa la xaqiijiyay in ay mayd ahaayeen.

Booliska ayaa baaraya dhimashada labadan ruux. Warbaahinta Japan ayaa sheegayin jilaagan caanka ah uu u sheegay saraakiisha booliska in qoysku ay ka wada hadleen arrin dhimasho la xiriirta kadibna ay waalidiintu qaateen kaniiniyada hurdada.

Garabsiinta qof isdilaya ayaa dambi ka ah Japan, waxaa lagu mutaysan karaa ciqaab dhan todobo sano oo xarig ah.