Tobanka Ciyaartoy Ee Ugu Mushaharka Badan Horyaalka Waddanka Sucuudiga Oo La Shaaciyey

0
130

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tobanka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan horyaalka waddanka Sucuudiga ayaa daboolka laga qaaday, waxaana meel dhexe kaga jira N’Golo Kante iyo Kalidou Koulibaly oo labaduba ka tegay Chelsea, halka Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema uu farqi aad u yar u dhexeeyo.

Xiddiga reer Portugal ee Cristianao Ronaldo ayaa bilaabay safarka ciyaartoydu u gelayaan waddanka Sucuudiga markii uu qalinka ku duugay heshiis uu bishii January ugu wareegay Al-Nassr xilli ay isla caddilnaayeen Manchester United oo uu khilaaf u dhexeeyey, waxaana uu yahay ciyaartoyga illaa hadda ugu mushaharka badan kubadda cagta.

Saaxiibkiisii Real Madrid ee Karim Benzema ayaa raadkiisa qaaday oo xagaagan ku biiray Al Ittihad oo uu heshiis saddex sannadood ah u saxeexay, waxaana uu yahay ciyaartoyga ku xiga Cristiano Ronaldo dhinac mushaharka.

Sucuudiga oo sidoo kale ay kusii jeedaan Hakim Ziyech, Roberto Firmino iyo Riyad Mahrez, waxa hadda lasoo saaraya tobanka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan, waana sidan hoose

  1. Cristiano Ronaldo (Al Nassr) – £173 milyan oo Gini sannadkii
  2. Karim Benzema (Al Ittihad) – £172 milyan oo Gini sannadkii
  3. N’Golo Kante (Al Ittihad) –  £86.2 milyan oo Gini sannadkii
  4. Kalidou Koulibaly (Al Hilal) –  £30 milyan oo Gini sannadkii
  5. Ruben Neves (Al Hilal) –  £16 milyan oo Gini sannadkii
  6. Ever Banega (Al Shabab) –  £9.1 milyan oo Gini sannadkii
  7. Matheus Pereira (Al Wahda) – £5.5 milyan oo Gini sannadkii
  8. Anderson Talisca (Al Nassr) –  £5.17 milyan oo Gini sannadkii
  9. Ahmed Hegazi (Al Ittihad) – £5.01 milyan oo Gini sannadkii
  10. Moussa Marega (Al Hilal) –  £4.28 milyan oo Gini sannadkii