Magaalada Baladweyne oo Siweyn looga Ciiday

0
144

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Boqolaal ruux oo ka kala yimid xaafadaha Magaalada Baladweyne ayaa salaada ciidul Adxa ku tukaday barxada iskuulka Xaawo Taako, halkaasoo loo sii diyaariyay.

Sidoo kale waxaa jira dad ku nool xaafadaha Magaalada Baladweyne oo si gooni gooni ah salaada ugu tukaday masaajidka xaafadaha.

Salaada kadib waaldiin badan ayaa caruurtooda geeyay goobaha dalxiiska Magaalada Baladweyne si ay uga qeyb qaatan farxada ciida.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.