Nin loo soo qabtay dil dhacay 40 sano ka hor oo lagu xiray Mareykanka.

0
117

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Mareykanka ayaa gacanta ku dhigtay nin looga shakisan yahay inuu geystay fal dil ah, kadib 40 sano oo uu ka dhuumaaleysanayay ciidamada ammaanka.

Booliiska ayaa sheegay in Donald Santini oo 65 jir ah lagu eedeeyay inuu isticmaalay 13 magac oo been abuur ah si uu uga baxsado sharciga kadib markii uu haweeney 33 jir ah ku dilay Florida sanadkii 1984-tii.

Waxaa la xiray isagoo ahaa madaxa guddiga biyaha ee degmo ku taal gobolka California.

Waxaa gacanta ku haya booliska Florida si uu u wajaho eedeymaha ka dhanka ah.

Maamulka ayaa sheegay in Mr Santini uu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee lala arko haweeneyda ka hor inta aan meydkeeda la helin iyadoo ku xiran meel biyo mareen ah.