Baladweyne ( Radio Beerlula )-Boqorka Nederland ayaa si rasmi ah raaligelin uga bixiyay doorka dalkiisa ee ka ganacsiga addoonta, isagoo sheegay inuu dareemayo “qof ahaan iyo dal ahaanba ” inay saamaysay.
Wadanku waxa uu noqday meel gumaysi wixii ka dambeeyay Qarnigii 17-aad, isaga oo haysta dhulal badan oo caalamka ah, ganacsatada addoonta ah ee Nederland waxa ay ka ganacsanayeen in ka badan 600,000 oo qof.
Boqor Willem-Alexander ayaa Sabtidii ku tilmaamay falkan mid “argagax leh”.
Qoyska boqortooyada ma aysan samayn wax ay ku joojiyaan, ayuu yiri.
Waxa uu hadalkan ka sheegay munaasibad lagu xusayay sannad-guuradii 160-aad ee ka soo wareegtay markii la cirib-tiray adoonsiga dalkaasi ma cadda ka hor munaasabadda in boqorku uu raalli-gelin ka bixin doono doorka qoyska boqortooyada ee dhaqankan.
Intii lagu guda jiray khudbadiisa Amsterdam, King Willem-Alexander wuxuu qiray in “boqorrada iyo taliyayaasha Aqalka Orange aysan qaadin tillaabooyin ka dhan ah addoonsiga”.