UEFA Oo Sharciga Super Cup-ka U Beddeshay Man City & Sevilla – Maxaa Lagu Soo Kordhinayaa? Maxaase Laga Saarayaa?

0
125

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa isbeddel ku samaynaya sharciga ciyaarta Finalka UEFA Super Cup ee Manchester City iyo Sevilla ee bisha dambe ee August, waxaana haddaba lagu si wargeliyey kooxahan isbeddelladaas.

Kulanka sannadlaha ah ee koobka ay ku kala qaadaan kooxaha kusoo kala guuleysta Champions League iyo Europa League, ayaa waxa sannadkan lagu qaban doonaa garoonka Karaiskakis Stadium ee magaalada Athens ee waddanka Giriiga, waxaana loo qorsheeyey habeenka Arbacada ah ee August 16.

Sevilla oo toddoba jeer ku guuleystay Europa League muddo 7 sannadood gudahood ah, isla markaana rikoodheyaal kaga qaadday AS Roma ayaa doonaysa inay soo afjarto shan jeer oo xidhiidh ahaa oo ciyaartan finalka ah lagu garaacay.

Manchester City ayaa iyaduna aan waligeedba ku guuleysanin tartankan maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee ay qaaddo Champions League oo ay bishii hore finalka ku garaacday Inter Mlan oo ay magaalada Istanbul ee waddanka Turkey ku wadaciyaareen.

UEFA ayaa wxay go’aamisay in ay beddesho sharciga ciyaartan oo markii ugu horreysay aan lagu dari doonin waqti dheeraad ah haddii ay labada kooxood ku dhamaystaan barbarro 90ka daqiiqadood ee waqtiga cadiga ah.

Haddii ciyaartu ay barbarro noqoto 90ka daqiiqadood, waxa la dhigi doonaa rikoodheyaal toos ah oo lagu go’aamin doono finalka iyo kooxda ku guuleysanaysa koobka.

Manchester City ayaa  sidoo kale markii ugu horreysay ka qayb-geli doonta tartanka FIFA Club World Cup oo bisha December ee dhamaadka  sannadkan lagu qaban doono waddanka Sucuudiga.