Shir looga hadlayo fayadhowrka iyo nadaafadda oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

0
122

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa lagu qabtay Shir looga hadlayo fayadhowrka iyo nadaafadda kaasoo saddexdii biloodba mar qabto, waxana shirkan soo qaban qaabiyay wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo socon doonaa muddo laba maalmood ah ayaa diirada lagu saari doonaa waxyabaha ka qabsoomay qorshayaashii la dajiyay saddex bilood ka hor ee la xiriira nadaafadda iyo fayadhowrka, waxana ka qeyb galaya xubno ka socda wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.