Iska Illow Bayern Munich & Liverpool: Yaya Toure Oo Daboolka Ka Qaaday Kooxdii Uu La Doonayey Sadio Mane

0
168

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddigii hore ee khadka dhexe ee kooxda Manchester City iyo xulka Ivory Coast ee Yaya Toure ayaa daboolka  ka qaaday kooxdii uu la doonayay ee uu jeclaan lahaa in Sadio Mane  uu u ciyaaro, mana aha Liverpool iyo Bayern Munich oo uu laacibkani iskaga gudbay.

Yaya Toure oo muddo siddeed sannadood ah u ciyaaray Man City oo uu kula guuleystay horyaalkeedii ugu horreeyey ee Premier League iyo FA Cup, isla markaana tiir-dhexad u ahaa guulihii ay kooxdaasi gaadhay intii u dhaxaysay 2010 illaa 2018, ayaa waraysi uu bixiyey waxa lagu weydiiyey Sadio Mane iyo aragtida uu ka qabo.

Toure ayaa waxa uu sheegay, in waqtigii uu joogay Manchester City uu doonayay in Mane ay la saxeexato kooxdiisu oo ay ku midoobaan Etihad Stadium, waxaanu yidhi: “Mar walba waxa aan dooni jiray in aanu wada ciyaarno Mane. Markii aan tegay City, waxa uu isaguna joogay Southampton. Waxa aan kooxda weydiistay inay la saxeexdaan Mane, balse ma aanay dhicin.

“Kaddib Klopp ayay ishiisu ku dhacday oo keenay Liverpool, waxaana uu noqday ciyaartoy heersare ah oo aan jeclaa.”

Si kastaba, Mane ayaa lix sannadood oo uu joogaya Liverpool waxa uu kula guuleystay Champions League sannadkii 2019 iyo Premier League xilli-ciyareedkii 2019-20, balse waxa uu uga wareegay Bayern Munich xagaagii tegay isaga oo diiwaankiisa Liverpool ay ku jiraan 269 ciyaarood oo uu u saftay oo uu u dhaliyey 120 gool.