LIX Ciyaartoy Oo Ka Tegaya Arsenal Xagaagan Kaddib Saxeexii Kai Havertz Iyo Declan Rice Oo Dariiqa Kusoo Jira

0
183

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa xubin firfircoon kasii ahaan doonta suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan oo ay hore ugala soo wareegtay weerarayahanka reer Germany ee Kai Havertz, sidoo kalena ay isku diyaarinayso shaacinta xiddiga England ee Declan Rice.

Arsenal oo kharash garaysay£65 milyan oo Gini oo ay kusoo iibsatay Kai Havertz iyo Declan Rice oo ay £105 milyan oo Gini kaga soo iibsanayaan ayaa waxa kale oo ay doonaysaa difaaca Ajax ee Jurrien Timber oo qiimihiisa lagu sheegay £45 milyan oo Gini.