Thiago Alcantara Oo Ka Nixiyay Jamaahiirta Liverpool

0
93

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Thiago Alcantara ayaa sameeyay talaabo ay ka naxeen qaar kamida jamaahiirta kooxdiisu.

Talaabada uu qaaday Thiago ayaa ah inuu magaca kooxdiisa ka tirtiray qaybta xog-sheega (Bio) ee bartiisa Instagram.

Alcantara ayaa saddex sano ahaa ciyaaryahan Liverpool ah waxaana la sheegayaa inuu kooxda xor kaga tagayo sanadka dambe marka heshiiskiisu dhaco.

Si kastaba, qaar kamida taageerayaasha Reds ayaa ka cabsi qaba in Thiago kooxda ka tagi doono isla haatan.

Tan iyo markii uu Liverpool yimid, Thiago ayaa soo ciyaaray 97 kulan isagoo saddex gool iyo lix caawimo soo sameeyay.

Thiago ayaa kooxda macalin Jurgen Klopp kasoo caawiyay hanashada FA Cup iyo Carabao Cup xilli ciyaareedkii 2021-22.

Xiddiga ree Spain ayaa in badan oo wakhtigiisa Anfield ah ku qaatay dhaawac isagoo xilli ciyaareedkii tagay kaliya 18 jeer kasoo muuqday Premier League.