Qiimaha qudaarta ee Magaalada Muqdisho oo sara u kac ku yimid.

0
127

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa laga dareemaya sara u kac ku yimid qiimaha la iibiyo qudaarta nuucyadeeda kala duwan gaar ahaan yaanyada, cambaha, liin dhanaanta, iyo karootada.

Ganacsatada iibisa qudaarta ee magaalada Muqdisho ayaa sara u kacan ku sababeeyay inay yaraadeen qudaartii la keeni jiray suuqyada Muqdisho kadib markii roobab ka da’een qeybo ka mid ah dalka taasoo hakad galisay isku socodkii gaadiidka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey