Kulan looga hadlayay ansixinka xeerka guddniinka fircooniga oo lagu qabtay magaalada Garoowe.

0
129

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda haweenka iyo xaquuqul insaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ku qabatay kulan looga hadlayay ansiixnka xeerka guddniinka fircooniga ee Puntland.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay ahmiyadda uu lee yahay in la ansixiyo xeerkan si loogo hortago dhibaatada uu lee yahay guddniinka fircooniga, waxana ka qeyb galay wasiirka haweenka Puntland, wasiiro ka tirsan Puntland, dhalinyaro, haween, xildhibaano ka tirsan Puntland iyo marti sharaf kale.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen