In ka badan 224 ardey oo baratay xirfaddaha farsamada gacanta oo munaasabad loogu qabtay magaalada Burco.

0
91

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa lagu qabtay munaasabad ay ku qalin jabinayeen 224 arday oo iskugu jira wiilal iyo gabdho islamarkana baratay xirfadda farsamada gacanta sida harqaanka, korontada, qurxinta haweenka, iyo cilad bixinta baabuurta.

Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday hay’adda Concern Worldwide iyo wasaaradda waxbarashada Somaliland, waxana maalgaliyay midowga yurub, waxana munaasabadan ka qeyb galay maamulka gobolka Togdheer, kan Burco, xubno ka tirsan hay’addaha gacanta ka geystay tababarkan iyo marti sharaf kale.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.