Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay waqtiga la qaaday imtixaanka qaranka ee ardeyda Baladweyne.

0
66

Baladweyne (Radio Beerlula)- Wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in maalinta sabtida ee soo socota ardeyda magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay geli doonaan imtixaanka dugsiga sare ee qaranka.

Imtixaanka shahaadiga ee qaranka ayaa ardeyda dugsiyada sare ee dalka laga qaaday bishii May ee la soo dhaafay iyadoo dib loogu dhigay ardeyda magaalada Baladweyne oo markii imtixaanka la qaadayay la daala dhacayay fatahaadii uu geystay webiga shabeelle.

Wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in lala shaqeeyo  kor meerayaasha, saraakiisha iyo ilaaliyeyaasha imtixaanka.

Sidoo kale wasaaradda waxbarashadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ardeyda ka qeyb galeysa imtixaanka ku boorisay inay u hogaansamaan  shuruucda loo dajiyey imtixaanka qaranka.

Ardeyda magaalada Baladweyne ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay dhowr jeer oo hore sidan oo kale si gaar ah looga qaaday imtixaanka qaranka kadib markii magaalada ay harqiyeen dadaad ka soo rogmaday webiga shabeelle.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.