Deeq raashin ah oo magaalada loogu qeybiyay qoysas danyar ah.

0
90

Baladweyne (Radio Beerlula)- Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland oo kaashanaysa Ha’yadda SOS ayaa deeq raashin ah ugu qeybisay magalaada Hargeysa in ka badan 200 oo qoys oo ka mida dadkii laga raray kaamka Naasa-Hablood B oo hada kunool dhul loo iibiyey oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Waxa ka qeyb kalay madasha lagu qeybinayey deeqda raashiinka ah mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland iyo mas’uuliyiin ka tirsan Ha’yadda SOS.

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Somaliland ayaa sidaan oo kale hore ugaarsiisay gargaar kala duwan oo iskugu jira raashiin iyo agab guryaha barakacayaasha kunool magaalaa Hargeys.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Yuusuf Cabdulahi.