Olole nadaafaddeed oo laga sameeyay xeebta liido ee magaalada Muqdisho.

0
68

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa isku xilqaamay sidii kor loogu qaadi lahaa bilicda xeebta Liido oo inta badan dhalinyarada ka yimida dalka dibadiisa, kuwa caasimadda iyo kuwa gobollada dalka ay u dalxiis tagan.

Dhalinyaradan oo markii hore tiradooda ay gaareysay lix ruux ayaa subax kasta oo jimco ah olole nadaafaddeed ka sameeya xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxana hadda ku soo biiray dhalinyaro kale oo kaalin ka qaata ololahan.

Warbixintan waxaa inoo haya  Xaawo Aadan Xuseen