Wasaaradda waxbarashadda Soomaaliya oo shaacisay goobaha ardeyda Baladweyne ku gali doonaan imtixaanka qaranka.

0
65

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda waxbarashadda Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay goobaha ardeyda Magaalada Baladweyne maalinta beri ah ku gali doonaan imtixaanka dugsiga sare ee qaranka.

Ardeyda sannadkan ka qeyb galeysa imtixaanka dugsiga sare ee magaalada Baladweyne ayaa gaaraya 1535 ardey sida lagu sheegay jadwalka imtixaanka ee ay soo saartay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ardeyda iskuullada Al Aqsa Nurul Cilmi iyo Cabdi Soomane, ayaa ku gali doonaa Iskuulka Cumar Binu khadab, halka qaar ka mid ah ardeyda iskuulladan sida Al Aqsa, Al mazdar 2 iyo Horseed ay ku gali doonaan imtixaanka xarunta jamaacadda Baladweyne.

Sidoo kale qaar ka mid ah ardeyda iskuullada sheekh Maxamed Macalin, Sigma iyo Aflax ayaa imtixaanka ku gali doonaa iskuulka Mujamac, halka iskuulka Xaawo Taako ay ku gali doonaan imtixaanka qaar ka mid ah ardeyda iskuullada Sheekh Maxamed Macalin, Al Mazdar 1, Mujamac, SIGMA , Jawiil iyo Daarulu Culuum.

Iskuulka Al Aqsa waxaa sidoo kale imtixaanka ku gali doonaa qaar ka mid ah ardeyda iskuullada Cumar Binu Khadaab, Horseed iyo Ramadaan, halka iskuulka Buundo weyn ay imtixaanka ku gali doonaan qaar ka mid ah ardeyda iskuullada Xaawo Taako, Sheekh Maxamed Macalin, Baladweyne iyo Mujamac.

Iskuulka Sheekh Maxamed Macalin ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa sidoo kale imtixaanka ku gali doona qaar ka mid ah ardeyda iskuullada Hiiraan Integrated , Baladweyne, iyo Adult, SIGMA iyo Mujamac.

Imtixaankan oo bilaaban doonaa maalinta beri ah ayaa socon doonaa muddo shan maalmood ah waxana daah furi doonaa xubno ka tirsan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.